welcomme

Posted in
ليست هناك تعليقات:

Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.
Add caption


Waxay ku billowday sheekada:

….Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,

Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn 
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.
Read More »

0 التعليقات:

Posted in
هناك تعليق واحد:

Read More »

1 التعليقات:

About the Author

kusoo dhawoow webka sheikh said rageha

© 2013 Sheikh said Rageah . Designed by Bloggertheme9
Proudly Powered by Blogger.